4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 3 , 2018
Kenya oo lagu eedeeyay in ay burburisay xaruntii isgaarsiinta Hormuud ee degmada CeelWaaq

 

Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL) – Saraakiisha gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ciidamada Kenya in ay burburiyeen xaruntii Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee deegaanka Dhamase oo qiyaastii 60KM u jira degmada Ceelwaaq.

Col. Aadan Xirsi Rufle oo ka tirsan Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in ciidamada Kenya ay miinooyin ku xireen xaruntan, isla markaana ay gebi ahaanba dhulka la simeen.

“Waxaa Burburay Dhismihii Isgaarsiintii dhexe ee Dhamase oo xiriirineysay degmooyinka Baladxaawo iyo Ceelwaaq, sidoo kale waxa ay amar ku bixiyeen in la damiyo Xaruntii Isgaarsiinta Hormuud ee Buusaar oo xiriirineysay degmooyinka Ceelwaaq iyo Baardheere, waxaa kaloo la damiyay Isgaarsiintii Ceelcade oo isku xireysay degmooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq” sidaas waxaa yiri Col Aadan Xirsi Rufle.

Col. Rufle ayaa sheegay inay go’doonsan yihiin kumanaan qof oo Soomaaliyeed oo ku nool Gobolka Gedo, kuwaasoo Noloshooda ay ku tiirsaneyd Isticmaalka Adeega EVC Plus-ka ee ay bixiso Shirkadda Hormuud Telecom.

Dhowr jeer oo hore ayay Ciidamada Kenya u burburiyeen dhowr xarumood oo shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku leedahay deegaano ka mid ah gobolka Gedo, sida deegaanada Khadiijo Xaaji, Ceelbaande iyo Dhegalaab oo dhammaan ka wada tirsan Gobolka Gedo.

Ciidanaka Kenya ayaan weli ka hadlin sababta ay u bartilmaameedsanayaan Isgaarsiinta Gobolka Gedo, waxaase arrintan jab ku ah shuruucda caalamiga ah, maadaama ay tahay Hay’ad rayid ah oo ka shaqeysa adeeg bulsho.

Mustafa Hussein
[email protected]