4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 3 , 2018
Tartan kubadda cagta ah oo u dhexeeya ardayda iskuulaadka oo ka furmay Kismaayo [SAWIRRO]


Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL) -Tartankan oo ay iska kaashadeen wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubbaland iyo hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan badbaadada carruurta ee (Save The Children) ayaa waxaa ku loolamaya ilaa 14 Iskuul oo kamid ah iskuulaadka sare ee Kismaayo.

Xafladdii furitaanka tartanka oo shalay gelinkii danbe ka dhacday garoonka Waamo ayaa waxaa ka qeybgalay ku simaha wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubbaland, masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta Jubbaland iyo kan gobolka J/hoose, tartameyaasha iskuulaadka Kismaayo iyo taageerayaal.

Kooxda Baambeeyda oo garaaceeysay Muusik-ga heeso wadani ah iyo Tartameyaasha 14-ka kooxood ee mataleeysay Iskuulaadka Kismaayo ayaa kusoo wareegay Garoonka, ayadoo koox walba ay sidatay boor uu ku qoranyahay magaca Iskuulka ay mataleeyso.

Wasiirka dhalinyardaa iyo cayaaraha Jubbaland Mudane C/waaxid Axmed Yare oo madasha ka hadlay ayaas heegay in tartankan yahay mid lagu dhiirigelinayo ardeyda, laguna xoojinayo nabadda iyo isdhexgalka bulshada, isagoo xusay in ay doonayaan in ardeyda Iskuuaadlka Kismaayo isku bartaan.

Masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta ayaa sheegay in tartanku noqon doono is reeb-reeb oo kooxdii laga badiyo ay hari doonto, waxaana shalay gelinkii danbe lagu furay kooxaha Farjanno iyo Iftiin, ayadoo ay guusha raacday kooxdii u tartameeysay Iskuulka Iftiin oo ku badisay 2-1.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.