Sabti, Maarso, 03, 2018 (HOL) - Shirka Madaxda Dalalka
Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya
ayaa ka dhacay 2-da Maarso 2018 magaalada Kampala ee Uganda, waxaana
martigeliyey Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni.
Shirka waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Musaveni, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Gaston Sindimwo, Wasiirka Difaaca Kenya Marwo Raychelle Omamo, Wasiirka Difaaca
Jabuuti Mudane Ali Hassan Bahdon, Madaxa Midowga Afrika Mudane Moussa Faki
Mahamat iyo Xoghayaha guud ee IGAD Mudane Mahboub Maalin.
Dalalka ku deeqay Ciidamada AMISOM iyo Dowladda Federaalku
waxay kulamo la qaateen xubno matalayey beesha caalamka oo ay kamid yihiin
Algeria, China, France, Germany, Italy, Japan, Qatar, Russia, Saudi Arabia,
South Korea, Sweden, Turkey, UAE, UK, USA, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.
Shirkan oo looga hadlay ciidamada AMISOM iyo u diyaarinta
ciidamada dowladda Soomaaliya masuuliyadda Ammaanka dalkooda, ayaa madaxdii
kasoo qeyb-gashay waxay ku bogaadiyeen qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya
ee ku wajahan kala guurka, iyadoo soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay
hagaajinta iyo dib u tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.
Madaxdu waxay isku raaceen in ay lama taabtaan tahay in la
ixtiraamo Qarannimada, Madax-bannaanida, Xuduudaha dhuleed, Madax bannaanida
siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.
Madaxdu waxay caddeeyeen in lasii wado kaalmada ciidan ee la
siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo dadaala ay ku xasilinayso
Soomaaliya.
Shirku wuxuu bogaadiyey dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad
Goboleedyadu ay wadaan si loogu hago Soomaaliya siyaasad degen iyo dimuqraadiyad,
taas oo abuuraysa xasilooni iyo horumar.
Waxay madaxdu isla qaateen in la taageero qorshaha ay
Soomaaliya soo hordhigtay shirka, oo ahaa sidii loo taageeri lahaa
istaraatiijiyadda lagu xoojinayo ciidamada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan
inay dalkooda nabadeeyaan, isla markaana ay la wareegaan masuuliyadda
ammaankiisa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]