4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 25, 2018
Suxufiyiin tababar loogu soo xiray deegaanka WidhWidh ee gobolka Sool

 

Axad, Maarso, 25, 2018, (HOL) – Ilaa 16 Suxufi ayaa tababar loogu soo gabagabeeyey magaalada Widhwidh oo 100Km. dhinaca galbeed uga beegan magaaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Tababarkan oo socdey mudo Laba maalmood ah ayaa waxaa maal-geliyey ganacsatada magaalada Widhwidh.

Sekeriye Maxamed Ciise oo madax u ah ururka Suxufiyiinta ee deegaanka ayaa waxaa uu sheegay in ujeedada ay ka lahaayeen tababarkan uu ahaa in ay kor u qaadaan aqoonta dhalinyarada saxaafada ee Ku sugan Widhwidh.

"Dhalintani waxaa ay qaarkood iskood isu barren culuunta saxaafada waxaana noo muuqatay in ay u baahan yihiin kobcin" ayuu yiri Sekeriye, isagoo intaas raaciyey mahad-celin uu u soo jeediyey Ganacsatada Degaanka.

Faysal Jaamac Aadan oo tababarkan bixinayey oo munaasabada ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay tababaro kale oo dhalinyaradani helaan in ay lagama maarmaan tahay.

"Magaalada Widhwidh waxaa ay ahayd magaaladii ugu horeysey ee Gole deegaan oo la soo doorto yeelata dhamaadkii qarnigii tegey, maantana waxaa ay dhaqaale ku bixiyeen koru qaadka aqoonta suxufiyiinta waana ku amaanan yihiin" ayuu yiri Faysal Jaamac Isu-duwaha Wasaarada Warfaafinta.

Qaar ka mid ah ganacsatada, culimada iyo cuqaasha oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay la dhacsan yihiin hawlaha ay hayaan dhalinta saxaafada in ay garab taagnaanayaana waa ku dareen , in ay ka feejignaadaan qaladaadka dhaca.

Magaalada Widhwidh oo ka mid ah meelaha sida aadka ah u Moray tabankii sano ee la soo dhaafay, waxaa ay ka mid ahayd magaalooyinkii 1921kii ganacsiga balaadhan uu ka socdey iyadoo ay dad ajaanib ah ay degeen xiligaas.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Widhwidh