3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 25, 2018
Wararkii ugu danbeeyay ee Muqdisho iyo Qaraxyo maanta ka dhacay

 

Axad, Maarso, 25, 2018, (HOL) – Ugu yaraan Shan ruux oo ay ka mid ahaayeen Askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo qof ismiidaamiye ah ayaa ku dhintay Qarax galabta ka dhacay Isgoyska Sayidka magaalada Muqdisho.

Goob jooge ayaa sheegay in Qaraxan uu dhacay xili ciidamada ku sugnaa Isgoyska ku howlanaayeen baaritaanka gadiidka Waddadaasi isticmaala, waxaana la sheegay in Askariga dhintay uu waqtiga ku guda-jiray baarista gadiid uu ka mid ahaa gaariga is qarxiyay.

Toddobaadkii hore ayeey ahayd markii qarax ka dhacay agagaarka Hoteelka Weheliye  ay ku nafaayeen dad ka badan 17 qof.

Qaraxan galabta ka dhacay Muqdisho ayaa lagu soo beegay isla maanta markii uu Qaraxa kale ka dhacay dulleedka Muqdisho kaddib markii gaari ay daba joogeen ciidamada Booliiska uu ku qarxay meel aan ka fogeyn degmada Kaxda.

Ciidamada dowladda ayaa heegan buuxa ku jira, waxaana lagu arkayaa dhamaan isgooysyada caasimada iyo koontaroolada ka baxsan ciidamo si gaar ah ula socda dhaqdhaqaaqa gadiidka, walow haddana dhinaca kale ay sii socdaan Qaraxyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/25/2018 2:20 PM EST
Axad, Maarso, 25, 2018, (HOL)–Ilaa 16 Suxufi ayaa tababar loogu soo gabagabeeyey magaalada Widhwidh oo 100Km. dhinaca galbeed uga beegan magaaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

3/25/2018 10:03 AM EST
Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL)–Labo ruux ayaa ku dhimatay qof kalana dhaawac ayaa soo gaaray kaddib Qarax goor dhaw ka dhacay meel aan ka fogeyn Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

3/25/2018 9:39 AM EST
Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta khudbad sanadeedkii Dastuuriga ahaa ka jeediyey labada gole Baarlamaan (Guurtidda iyo Wakiiladda), waxaanu khudbadiisa xooga saaray Amniga, Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Kaabayaasha Dhaqaalaha, arrimaha Bulshadda, maamul wanaaga iyo maamul daadajinta, Garsoorka iyo cadaaladda, abaaraha isbedelka cimiladda, doorashooyinka iyo warbaahinta.

3/25/2018 9:18 AM EST
Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL)-Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaw ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Siyadka sida Hiiraan Online u sheegeen goob joogayaal.

3/25/2018 8:57 AM EST
Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL) – Guddiga Aqalka Sare oo maanta soo saaray Baaqoodii labaad ee xalinta khilaafka ka dhex taagan Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday in ay lama huraan tahay in la qabto codeynta mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

3/25/2018 8:34 AM EST
Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL)–Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa shaaca ka qaaday in 31 bishan uu qabsoomi doono kulanka looga doodayo Mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Jawaari.

3/25/2018 7:31 AM EST
Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL)–Warar ka imanaya deegaanka Siinka Dheer ee dulleedka Muqdisho ayaa sheegay in goor dhaw uu halkaa ka dhacay Qarax ka dhashay gaari goobtaasi marayay.

3/25/2018 6:36 AM EST
Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL)-Dibadbaxan oo ay ka qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ururrada haweenka, dhalinyarada, ardeyda iyo masuuliyiinta maamulka degmadaasi ayaa dadkii ka qeybqaadanayay waxay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ay uga soo horjeedaan darbi ay dowladda Kenya ka dhiseeyso Soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan degmada Baladxaawo.

3/25/2018 4:50 AM EST
Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo Axad ah xukun Maxkamadeed waxaa ay ku riday eedeysanayaal loo heystay ka mid noqoshada ururka Al-shabaab.

3/25/2018 2:02 AM EST
Axad, Maarso, 25, 2018, (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in xalay Bam gacmeed lagu weeraray guri ay deganaayeen dad shacab ah.

3/25/2018 1:56 AM EST
Axad, Maarso, 25, 2018, (HOL)-Dagaalyahannada fallaagada reer Suuriya iyo qoysaskooda ayaa billaabay in ay ka baxan saddex magaalo oo ku yaalla bariga Quuda, waxayna u qaxayaan gobolka Idlib oo ah halka ay ku xooganyihiin.

3/25/2018 1:25 AM EST
Axad, Maarso, 25, 2018, (HOL) -Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wehliyaan ku-xigeenkiisa labaad Mahad Cawad Cabdalla iyo Xoghayaha Baarlamaanka iyo xildhibaanno ayaa kulan kula qaatay Xerada Xalane Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Fransico Madiera iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

3/25/2018 1:21 AM EST
Axad, Maarso, 25, 2018, (HOL) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlay xiisada ka taagan degmada Beled-Xaawo iyo darbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso xudduuda ayaa sheegay in arintaa go’aan siyaasadeed laga qaadanayo.

3/25/2018 1:04 AM EST
Axad, Maarso, 25, 2018, (HOL)-Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in ay kulan la yeeshaan Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh C/raxmaan Mursal.