4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 25, 2018
Faah faah ku saabsan Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL) – Labo ruux ayaa ku dhimatay qof kalana dhaawac ayaa soo gaaray kaddib Qarax goor dhaw ka dhacay meel aan ka fogeyn Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay meel ku dhow koontaroolka ciidamada oo aan sidaa uga fogeyn Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Waa marki labaad oo qarax uu ka dhaco inta u dhaxeysa Agagaarka sayidka illaa irida hore ee Madaxtooyada, halkaasoo bishii hore ay weerar qarax iyo mid toos ka geysatay koox ka tirsan Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]