4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 25, 2018
Qarax ka dhacay deegaanka Siinka Dheer ee dulleedka Muqdisho

 

Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL) –Warar ka imanaya deegaanka Siinka Dheer ee dulleedka Muqdisho ayaa sheegay in goor dhaw uu halkaa ka dhacay Qarax ka dhashay gaari goobtaasi marayay.

Afhayeen Wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay gaari yar oo nooca raaxada ah uu ku qarxay deegaanka Siinka Dheer, kaddib markii uu isku dayay in uu ka leexdo barkoon-tarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada.

''Qaraxa waxaa ku dhintey qofkii gaariga waday sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Askari ka tirsan ciidamada Booliiska oo iska hortaagay gaariga in uu gaaro hadafkii uu lahaa'' ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray qaar ka mid ah ciidamada Amaanka, waxaana soconaya baaritaan la xiriira sida uu falkan u dhacay.

Wali lama oga gaarigan qarxay cida wadatay iyo bartilmaameedka gaarigaasi lala damacsanaa , mana jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]