4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 25, 2018
Bam gacmeed lagu weerary guri ay degan yihiin dad shacab ah magaalada Muqdisho

 

Axad, Maarso, 25, 2018, (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in xalay Bam gacmeed lagu weeraray guri ay deganaayeen dad shacab ah.

Labo ruux ayaa la sheegay in Bam gacmeed ku dhaawacmeen sida ay warbaahinta u sheegeen goob joogayaal, waxaana dad dhaawacmay ay kala ahaayeen Gabar iyo Eedadeed.

Dhaawacyada labada ruux ayaa la sheegay dhigay isbitaalada maxaliga, waxaana la sheegay in xaaladooda aanay halis ku jirin, marka laga reebo firiro galay.

Wararku waxaa ay sheegayaan qoyskan Bam gacmeedka lagu weeraray ayaa sanadkii hore 2017 waxaa gurigooda hortiisa ku qarxay gaari uu lahaa wiil ay ehel ahaayeen, kaddib markii waxyaabaha qarxa loogu xiro oo uu u dhintay, waxaana lagu magacaabayay Xasan Maxamuud oo la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay qoyska dhibaatada ka soo gaartay bam gacmeed oo markii horena qof ehel ahaa looga dilay qarax, waxaana ay tani ka mid tahay dhacdooyinka xanuunka leh ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]