4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 25, 2018
Kumannaan qof oo ka qaxaya Bariga Ghouta

 

Axad, Maarso, 25, 2018, (HOL) - Dagaalyahannada fallaagada reer Suuriya iyo qoysaskooda ayaa billaabay in ay ka baxan saddex magaalo oo ku yaalla bariga Quuda, waxayna u qaxayaan gobolka Idlib oo ah halka ay ku xooganyihiin.

Daad gureynta dagaalamayaasha mucaaradka ayaa qeyb ka ah heshiis uu garwadeen ka yahay Ruushka oo lagu samata bixinayo mucaaradka.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay deeganaadaasi tan iyo intii ciidmmadda dowladda Suuriya oo taageero ka helaya Ruushka ay bilaabeen duullaan ka dhan mucaaradka bishii lasoo dhaafay.

Ruushka ayaa sheegay in inkabaan boqol kun oo qof ay ilaa iyo imika laga samata bixiyay bariga Quuda.

Dowladda Madaxweyne Bashar Al-Asad ayaa dhawaan 13 askari iyo dhowr qof oo rayid ah ku bedelatay 5 kamid ah askarta mucaaradka.

Ururka Ahrar al Sham ee ka dagaalama Suuriya, kana mid ah kooxha ka dagaalama bariga Ghouta ayaa ogolaaday inay hubka dhigaan, si ay u helaan marin ay uga baxaan bariga Ghouta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]