4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 25, 2018
Axmed Madoobe oo ka hadlay xiisada ka dhalatay darbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso xudduuda

 

Axad, Maarso, 25, 2018, (HOL) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlay xiisada ka taagan degmada Beled-Xaawo iyo darbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso xudduuda ayaa sheegay in arintaa go’aan siyaasadeed laga qaadanayo.

‘’Marka hore xudduuda wax la qaldi karo ma’aha, Soomaaliya iyo Kenya-na waxaa ay wadagaan xad dheer oo laga soo bilaabo degmada Beled-Xaawo ilaa Raas-Kabooni, arintanna muddo dheer ayeey soo soctay, dowladda uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh ayaa mar arintan guddi u saartay, mar kale waxaa halkaa tagay wafdi uu hogaaminayay Wasiirkii arrimaha gudaha dowladda hadda jirta, waxa kaliya oo dhiman waa in labada madaxweyne Soomaaliya iyo Kenya is arkaan oo go’aan siyaasadeed arintaa laga gaaro’’ ayuu yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in marnaba uusan jirin xad gudub dhulleed, laakiin laga yaabo in siyaabo kale leysku qabto, isaga oo intaa ku daray in jiri karaan dad Soomaaliyeed oo deegaanno ka sameystay gudaha dalka Kenya.

‘’Wadan walba xudduudiisii waa caddahay, laakiin waxaa jiri karta dhibaato ka taagan isku guur-guurista labada shacab, waxaa dhici karta in ay jiraan dad Soomaaliyeed gudaha Kenya deegaan ka sameystay, waa arin u baahan in si qoto dheer looga wada hadlo’’ ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay ugu danbeyntii labada madaxweyne u balansan yihiin in ay ka wada hadlaan xiisadan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]