4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2018
Gabar Somaliyeed oo u tartameysa Golaha deegaanka magaalada Leuven ee dalka Belgium-ka

 

Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Sarah Maxamed Khaliif oo ah gabar asalkeedu Soomaali yahay ayaa u tartameysa kursiga golaha deegaanka magaalada Leuven ee dalka Belgium-ka .

Doorashadan Golaha deegaanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 14 bisha October ee sanadkan aynu ku jirno 2018ka.

Sarah Mohamed Khaliif waxaa ay ka tirsan tahay Xisbiga SPA oo ah Xisbi Siyaasadeed oo ka dhisan dalka a Belgium- ka

Waxaa ay ku dhalatay Sarah dalka Belgiumka sanadku marku uu ahaa 1997, waxaana ay Hiiraan Online u sheegtey in ay heysato codad ku filan oo u suurtagalin kara in ay ku guuleysato doorashada.

Abdisalan Nor Dirie , Hiiraan Online

[email protected]

Mogdisho Somalia