4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2018
Xisbiga WADDANI oo soo jeediyey in la kala diro Guddida doorashooyinka Somaliland

 

Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in kalsoonidii kala noqday Guddida doorashooyinkii Somaliland,isla markaana soo jeediyey in la kala diro komishankaasi.

Gudoomiyaha Mucaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in qoraal ay kaga hadlayeen dhaliilihii ay ku arkeen doorashooyinkii dhacay ay u gudbiyeen madaxweynaha Somaliland.

“Inaan idinku wargaliyo in madaxweynaha Somaliland u gudbinay qoraal aan ku soo ururinay dhaliilihii doorashadda madaxtooyadda ee dalka ka qabsoontay bishii November 13-keeddii,2017, iyo gefafkii laga galay xeerarka diiwaanglinta iyo doorashooyinka, waxaad ka war qabteen in xisbiga WADANI bilowgii uu muujiyey sida loo maamulay doorashadii iyo natiijaddii uu komishanku ka soo saaray laakiin xisbiga WADDANI ku liqay tudhaale uu u qabo dadkiisa.”ayuu yidhi Gudoomiye Cirro

Waxaanu intaas ku daray “Qoraalkaasi aan saaka gudbinay waxa uu xisbiga WADDANI ku muujiyey in aan wax kalsooni oo doorasho dambe ku qabto komishanka doorashooyinka waxaanu codsaday in komishanka la kala diro, komishan cusubna si dhakhso ah loo dhiso, si doorashooinkii soo socdaana wakhtigoodii u qabsoonto.”

Dhinaca kale, Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa isagu sheegay in aanu arrintaasi la qabin,isla markaana xusay in aanu jirin khalad ka dhacay doorashadda oo lagu qanci karo.

Faysal Cali Waraabe oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ markii tirada socotay ayey ahayd inay sheegaan oo ay tilmaamaan wixii khalad ah ee jira , hadii ay na taabsiiyaaan wixii khalad ah ee jira anaguba maanu ogalaanayn in lagu dhowaaqo natiijadda, laakiin maanta in la sheego waxa ka muuqda habsan badan, marka wax la bedelayaa ma jirto ee baarlamaanka iyo dawladaha hoose ayaa la bedelayaa.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland