4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2018
Hargeysa:Xukuumadda iyo Shirkadda TELESOM oo isla qaatay joojinta isku bedelka lacagta Mobile-ka dhexdiisa

 

Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Baanka dhexe ee Somaliland iyo Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM ayaa maanta soo afjaray jahawareer ka taagna suuqa sarifka iyo lacagta Mobile ka lagu shubto oo ganacsatada qaarkood diideen inay wax ku iibsadaan.

Baanka dhexe ayaa sheegay in muddo shan cisho la siiyey in lagu joojiyo lacagta Sarifka ah ee shirkadda TELESOM ku soo kordhisay adeegeedda, taas oo ay si weyn uga cawdeen ganacsatadda yaryar ee sarifka ka shaqaysta.

Agaasimaha Baanka dhexe Somaliland Cabdilaahi Xasan oo ka hadlaya qodobada ay isku afgarteen shirkadda TELESOM, waxaanu yidhi “waxaanu isla afgaranay in qodobka ugu weyn ee ahaa isku bedelka Zaadka ee sarifka la joojiyo muddo shan cisho ah oo ka bilaabmaysa maanta oo ah March 22, kuna eeg 26-ka, waxa la isla qaatay in adeegaasi uu ku dhamaaado mudadaasi oo lagu wareejiyo sarifleyaashii, shirkadaasi waxay balanqaaday dadkii hore uga ganacsan jirtay Sarifka in lagu wareejiyo, waxa kale oo isla qaaday in kor loo qaado isticmaalka lacagta Shiling Somaliland, iyado sharci daro tahay in laga soo horjeesto wax ku iibsiga lacagta Electronica oo cidii diida sharcigu qabanayo”.

Madaxa suuqgeynta ee shirkada TELESOM Cabdisalaan Ismaaciil Muuse oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “waxaanu dawlada la qaadanay in adeega isku bedelka lacagta oo aan ugu tallogalnay in dadkii lacagta ugu jirtay boqolka doolar wixii ka yar ugu jirtay inay ku bedeshaan Shiling Somaliland, waxaanu balanqaadayna in kor u qaadi doonna lacagta dalka haday tahay lacagta Electronica ah iyo ta Moodhadhka ahba, waana wada shaqayn doona wada shaqaynta Baanka dhexe oo wax wal oo kor loogu qaadayo lacagteena ka wada shaqayn doona”.

Arrintan ayaa soo afjaray khilaaf ka taagna wax ku iibsiga lacagta Electrooniga ah ee Shiling Somaliland iyo in shirkadda Mobileka dhexdeeda lagu dhex sarifto lacagta dollar ah ee kugu jirto, taas oo ganacsatada ka shaqaysta sarifka ay si weyn uga soo horjeesteen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.