4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2018
Haween ka shaqeynayay howlo nadaafadeed oo la sumeeyay


Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) -Afar ruux oo sida la sheegey ku socdaalayay gaari nooca NOHA-da ah ayaa lagu waramayaa in ay sun ku buufiyeen haween ka shaqeynayay howlo nadaafadeed degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Haweenka ayaa la sheegay in ay tiradoodu gaareyso Sagaal haween ah oo ka tirsan Dumarka ka shaqeeya nadaafada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana ay goob joogayaal sheegeen in lagu buufiyay walxo sun ah.

Haweenkan ayaa la dhigey isbitaalka Erdogan Ex Digfeer ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaar ka mid laga deyrinayo xaaladooda caafimaad.

Maamulka degmada Cabdicasiis kama uusan hadal dhacdadan oo noqoneysa mid cusub magaalada Muqdisho, marka laga soo tago qaraxyo marar badan oo hore lagu bartilmaameedsaday haweenka nadaafada gobolka Banaadir. 

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia