Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Wararka
ka imanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in
ciidamada nabad-galyadu gacanta ku dhigeen dhalinyaro falal amaan darro ku
howlaneyd.
Faarax Cabdiraxmaan Warsame oo ah Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Nugaal
ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu soo qab
qabtay dhalinyaro dhibaato amaan xumo ku hayay bulshada ku dhaqan gobolka.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in dhalinyaradan qaarkood markii la waayay oo
ay baxsadeen ciidamadu ay soo xireen waalidiintii dhalay si ay u keenaan dhalinyaradaasi
falalka noocaas ah ku kacaysa.
Wuxuu faah faahin ka bixiyay taliyaha Gabar yar oo habeen ka hor kufsi Wadareed
loogu gaystay Togga Wayn ee dhexmara magaalada Garoowe, isaga oo sheegay in gabadhaas dhalinyaro ka
kaxeysteen xaafaddii ay daganayd, waxaana uu sheegay in qaar ka mid ah raggii
falkaasi sameeyay ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen.
Taliyaha ayaa ugu danbeyntii ugu
baaqay waalidiinta dhalinyarada dhaca, dilka iyo kufsigaba ka gaysanaysa
Magaalada Garowe ugu baaqay in ay ubadkooda ogaadaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]