Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Mark Zuckerberg oo aasaasay Facebook ayaa
qirtay in barta ay bulshadu ku xiriirto ay “khalad samaysay” taasina ay
horseeday in shirkad samaysa latalin dhanka siyaasadda ah ay hesho xogta
shaqsiga ee macaamiisha Facebook.
Shirkadda Cambridge Analytica ayaa lagu eedeeyay in ay si aan munaasab ahayn
u adeegsatay xogta macaamiishaas iyaga oo matalaya siyaasiyiin macaamiil u ah.
War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu Zuckerberg ku sheegay “in meel ka dhac
lagu sameeyay aaminaaddii”.
Waraysi dambe oo uu siiyay shirkadda CNN ayuu ku sheegay “in uu ka xun yahay”
wuxuuna ballanqaaday in uu tallaabo ka qaadi dooni “App-abka aan daacadda
ahayn”.
Wuxuu intaas ku daray in uu “ku faraxsan yahay” in uu Congress-ka ka
horsheego waxa uu og yahay “haddii arrintaasi ay tahay mid sax ah”.
Warka qoraalka ah ee uu soo dhigay Facebook wuxuu ku ballan qaaday in uu
sii adkayn doono siyaabaha ay App-abku ay ku arruursan karaan xogta macaamiisha
Facebook.
Masuuliyad ayaa naga saran in aan xogta macaamiisha ilaalino, haddii aanaan
sidaa samayn karinna uma qalanno in aan adeeg idin siino,” ayuu yiri
Zuckerberg.
Xigashada BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]