4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2018
Afar ruux oo shacab ahaa oo lagu dilay deegaanka Laanta-Buuro ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in koox dabley ah halkaa ku dileen Afar ruux oo rayid ah, qaar kalana afduubteen.

Dadkan ayaa lagu waramayaa in ay la socdeen gaari kuwa rakaabka qaad ah oo dableydu ay ka leexsadeen Waddada iyaga oo intaa kaddibna dilay Afar ruux oo ka mid ahaa dadkii gaariga la socday, sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan deegaanka uu falku ka dhacay.

Arrintan ayaa la xiriirinayaa dil habeen hore qof dumar ah loogu geestay gobolka Shabeellaha Hoose oo bilihii uu danbeeyay ay ka jirtay colaad Qabaa’il ku saleysan.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka hadashay dhacdadaan, laamaha amaanka iyo mas`uuliyiinta gobolkaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]