4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2018
Dowladda Soomaaliya oo martiqaad u fidisay qaar ka mid ah madaxda wadamada Qaarada Africa

 

Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ka qeybgalay Shir madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda, kana wakiil ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda ka qeybgashay shirkaasi.

Wasiir Axmed Cawad Ciise ayaa kulamo natiijo mira-dhal ah la kala yeeshay Madaxweynayaasha Rwanda Mr. Paul Kagame, Kenya Uhuru Kenyatta, Djibouti Ismail Omar Guelleh, Sudan Mr. Omar Hassan Ahmad Al-Bashir, South Africa Mr. Cyril Ramaphosa, Gabon Mr. Ali Bongo Ondimba, Chad H.E. Mr. Idrīs Daybī Itnū, Ghana H.E. Mr. Nana Addo Dankwa Akufo-Addo iyo Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Morocco H.E. Mr. Saadeddine Othmani.

Axmed Ciise Cawad ayaa u gudbiyay madaxdaasi salaan uu ka siday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” , isaga oo uga sheekeeyay hoggaamiyeyaashaasi horumarka siyaasadeed, dhaqaalle iyo ammaan ee ay Soomaaliya gaartay muddooyinkii dambe, waxaanu xusay in dowladdu ku howlan tahay dardargelinta iyo laba-laabidda qorshayaasha dalka loogu saldhigayo deganaansho ammaan, siyaasad iyo kobac dhaqaalle.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa isaga oo fulinaya talooyinka wax ku oolka ah ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu casuumaado booqasho rasmi ah oo ay ku yimaadaan Soomaaliya u fidiyay Madaxweynayaasha dalalka Rwanda, South Africa, Gabon iyo Ghana.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]