Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa
sheegaya in hogaamiyayaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab isku dhiibeen ciidamada
dowladda ee ka dagaaalama gobolka.
Horjoogayaashan oo ka soo goostay xogagga Al-shabaab ee gobollada Baay iyo
in ay iskaga baxeen Al-shabab islamarkaana hadda wixii ka dambeeya ay ku
biireen dowladda Soomaali lana dagaalami doonaan Al-shabaab.
Xubnaha ka soo baxay Al-shabaab ee dowlada isku soo dhiibay ayaa waxaa ka mid ah Macalin Geedow Aadan
Abuukar oo ah hogaamiye Al-shabaab u qaabilsanay gobolka Baay, sidoo kale waxaa
uu ahaa taliyaha dagaalamayasha Al-shabaab ee gobolkaasi sida sheegtay.
Macalin Geedow Aadan oo la hadlay warbaahint ayaa sheegay in uu la socdo Cabdiraxmaan Fiiloow oo
ahaa hogamiyaha Al-shabaab ee gobolka Gedo sababtana ay uga soo baxeenna tahay in
Al-shabaab badaleen fikirkii markii hore lagu dagaalamayay.
Dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale waxaa isku soo dhiibay hogaamiyaal
sare oo ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo ku eedeyay Al-shbaaab in ay hareer mareen
fikirki la aaminsanaa in lagu dagaalamo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]