4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2018
Maxamed Nuur oo damiin lagu sii daayay & Ururka Booliiska Somaliyeed SAPA oo ka hadlay xarigiisa
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL)– Askarigii Soomaaliga American ka ahaa Maxamed Nuur oo Talaadadii dhawayd lagu xiray gobolka Minnesota dagmada Hennapin ayaa shalay oo Arbaco aheed fiidnimadii ka soo baxay xabsiga, kadib markii la gu damiiintay hanti dhan $400,000.

Maxamed Nuur oo uu garab socday qareenka u doodaya ayaa ka soo baxay albaabka xabsiga iyadoo banaankana ay ku sugayaan dhamaan Saxaafada gobolka Minnesota wax hadalana ma uusan oran.
Maxamed ayaa saaka maxkamada dagmadu ay dhagaysatay dacwadiisa.

Dooda ugu adkayd shalay ayaa aheed sidii loo aqbali lahaa in uu damaanad ku joogo Noor banaanka inta ay dacwadaani socoto,aaqirkiise waxay noqotay in la ogolaado damiin ku baxida Maxmaed Nuur.

Maxkamada Dhagaysigeeda ayaa dib u bilaabanaysa bisha Maajo 8 2018 iyadoo loo saari doono gudi dadwayne oo ka qaybgala dhagaysiga dacwadaan.
 
Ururka ay ku midaysan yihiin Booliiska Soomaaliyeed ee loo yaqaan SAPA ayaa shalay war saxaafadeed qoraal ah ka soo saaray arinta dacwada M. Noor waxayna sheegeen in ay aad uga xun yihiin sida ay wax u dhaceen.




Siyad Said Salah
Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis MN