4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2018
Shirka Wasiirada Bariga Afrika ee IGAD oo ka furmaya Nairobi

 

Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Shirka Wasiirada Bariga Afrika dalalka Urur Goboledka IGAD ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Shirka ayaa looga hadli doonaan xaaladda Hal Milyan oo Qaxooti ah oo ku nool geeska Africa, dib u eegsita qorshaha horumarinta Barakacayaasha, iyo arrimo kale.

“Kulanka Wasiirada Bariga Afrika ee IGAD ayaa ka furmaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Khamiista 22-ka bishan, waxaa looga hadlayaa xaalada Hal Milyan oo Qaxooti ah oo ku nool geeska Afrika, gaar ahaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Kenya, qorshe cad ayaa loo dejin doonaa Qaxootiga” ayaa lagu yiri War qoraal ah oo ka soo baxay IGAD.

IGAD ayaa sheegtay in Wasiirrada la filayo in ay soo saaraan ficilo muhiim ah oo ku saabsan hirgelinta bayaanka qorshaha Qaxootiga Nairobi iyo Qorshaha Horumarinta oo la sameeyey Hal sano ka hor, iyo sidoo kale heshiisyo farsamo iyo maaliyadeed oo ka imanaya dalalka IGAD.

Kenya ayaa iminka martigelineysa Hal Milyan iyo Laba Boqol oo Kun oo Qaxooti ah, waxaana ay fileysaa in ay uruuriso lacag dhan Laba Bilyan oo Dollar, taasi oo lagu caawinayo Qaxootiga labada sanadood ee soo socota.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]