Wararkii ugu danbeeyay khilaafka mooshinka ka dhanka guddoomiyaha Golaha Shacabka
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL)–Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha
Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey ayaa fariin u diray xildhibaannada fasaxa
ku maqan ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhawaan la filayo in cod la galiyo
mooshinka ka dhanka ah Prof Maxamed Cismaan Jawaari.
Cabdiwali Muudeey ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in uu
yahay ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka taasoo sii xumeysay xiisadii
markii horeba ka dhax jirtey labada dhinac.
Sharci ahaanshaha sheegashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad
ee baarlamaanka ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan
Xoosh oo sheegey in Muudeey yahay ku-simaha guddoomiyaha Baarlamaanka, madaama
uu mooshin ka yaalo guddoomiyihii Golaha Shacabka.
“Sida ku xusan Qodobka 8aad ee Xeer Hoosaadka Golaha
Shacabka, wixii ka billowday bisha Maarso 18keedii, Mudane Cabdiwali Muuddeey
aa ah kusimaha Afhayeenka Golaha Shacabka, maadaama uu Mooshin ka yaal
Jawaari, waxaa markhaati madoontaan ah in hay’adaheenna dowliga/Dastuuriga ah
eey Qaan gaareen” ayuu yiri Wasiir Xoosh oo aan aheyn xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.
Laakiin dood kale oo dhinaca sharciga ah ayaa oraneysa in
Jawaari yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Shacabka inta uu ka weynayo
codka kalsoonida xildhibaannada Baarlamaanka, wixii xiligaa ka danbeeyana Muudeey
uu noqonayo ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ilaa inta laga soo dooranayo
guddoomiye cusub.
Xiisada ayaa hadda gaartay heerkeedii ugu sareeysay iyo meel aan gorgortan iyo waanwaan
laga gali karin sida uu qabo xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo asalka mooshinka ku sheegay fariin qaldan oo gaartay xukuumadda.
''Arinku wuxuu u eg yahay qaniinyo ..qaniinyo ayaa kaa fujisa, xukuumadda oo tuhun ka qabtay ay jiraan xildhibaanno diyaarinaya mooshin ka dhan ah ayaa soo abaabushay mooshinkan danbe ee laga keenay guddoomiyahay Golaha Shacabka ayuu yiri xildhibaan Cilmi oo sheegey in uusan jirin mooshin ay xildhibaanno wadeen oo ka dhan ahaan xukuumadda Kheyre.
Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Bare oo ka mid ah
mudanayaasha Baarlamaanka ee saxiixay mooshinka ayaa waxba
kama jiraan ku tilmaamay in xukuumada qeyb ka tahay khalalaasaha ka dhax oogan
Golaha Shacabka, isaga oo intaa ku daray in golaha Wasiirada wax ka saxiixay
mooshinka ay ka badneyn Tobaneeyo Wasiiro ah.
Laakiin xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka
mid ahaa xildhibaannadii saxiixay mooshinka laakiin sheegay in uu ka laaabtey
ayaa su’aal ka keenay xiliga lagu soo baraarugay mooshinkan oo sida uu hadalka
u dhigay lagu soo beegay waqti kooban uun kaddib markii uu Golaha Shacabku isku
raacay in dalka laga saaro shirkadda DP World.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa wali ku adkeysanaya in
mooshinka cod la galiyo, isaga oo meesha ka saaray in arinka lagu dhameeyo xeer
jajab iyo in uu is casilayo.
Todobadka danbe ayaa la filayaa in la soo afjaro xiisada
siyaasadeed ee Golaha Shacabka oo saameyn weyn ku yaalatay howlihii kala
duwanaa Labada Gole.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]