4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2018
Taliska Militariga ‘’ Dalkan wax ciidan Imaaraad lagu magacaabo oo ka howlgala ma jiraan

 

Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) – Taliyaha Militariga Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdiwali Jaamac Xusseen Gora doo ka hadlay iska horimaad maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan ciidamo lagu magacaabo ku Imaaraadka oo ka howlgala magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in iska horimaadka uu ka dhashay sida uu hadalka u dhigay awaamiir iyo howlgal la wada fulinayay oo si qalad ah iyo iska warqab la’aan u dhacay.

‘’Horta waxaan rabaa in aan bulshada Soomaaliyeed u cadeeyo halka kama jiraan ciidamo lagu magacaabo kuwa Imaaraadka, ciidamadan waxaa ay ka tirsan yihiin militariga Soomaaliya, waa ciidamo lagu tababaro xero lagu magacaabo Gordan, Saraakiisha tababarta waa Soomaali, dareyska ay sitaan waa dareyskii militariga Soomaaliyeed, sidaa daraadeed ma jiraan ciidamo Imaaraadka lagu magacaabo’’ ayuu yiri taliyaha militariga.

Marar badan ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in ay jiraan ciidamo gaar ah oo ay tababartay Imaaraadka oo ka howlgala magaalada Muqdisho, kuwaa dhawaan lagu eedeeyay in ay weerareen guriga Senator Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid.

Dagaalka maanta ayaa waxaa ku dhintay labo ruux mid ka mid ah uu ka mid ahaa sida la sheegay ciidamadii dagaalamay, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 7 ruux.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]