Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) –Sarkaal Maxamed
Nuur oo ka tirsan Booliiska magaalada Minneapolis ayaa Talaadadii shalay
loo xirey in uu ula kac u dilay Justine Damond oo aheyd Haweeney u
dhalatay dalka Australia, nin ay saaxiibo ahaayeena kula nooleyd Magaalada Minneapolis.
Sarkaalkan Soomaaliga ah ayaa toogasho ku dilay haweenaydan
15-kii July sanadkii hore 2017-kii,
xilligaasi wixii ka dambeeyay waxaa socday Dacwadaha la xiriira falkan.
Xeer Ilaaliyaha degmada ay ku
taallo magaalada Minneapolis oo warbaahinta la hadlay ayaa soo
bandhigay eedeymo rasmi ah oo uu u jeediyay Maxamed Nuur, oo kala ah dilalka
Darajada Saddexaad iyo darajada Labaad, oo hadii lagu helo sarkaalkan ay ka
dhalan karto keeni karto xabsi aad u dheer.
Qarreennada u doodaya Maxamed Nuur ayaa aad u
beeniyay arrintan, waxayna ku doodayaan in Xeer ilaaliyaha waxyaabaha uu
sheegay aanay waxba ka jirin, oo ay yihiin kuwa la isku soo dhoobay.
Soomaalida dalkaasi Mareykanka ayaa siweyn u
hadal haya xariga Maxamed Nuur waxayna dalbanayaan in sida saxda ah cadaalad
loogu raadiyo sarkaalkan, oo aanay dhicin eexasho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]