9/28/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 20, 2018
Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida ra’iisal wasaarihii ugu xil heynta dheeraa dalka Jabuuti

 

Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay madaxda iyo shacabka Jabuuti geeridii ku timid, Alle ha u naxariistee, Barkat Gourad Hamadou oo maalintii shalay ku geeriyoodey dalka Faransiiska.

Barkt ayaa dalkaasi Jabuuti ra'iisal wasaare ka so onoqday intii u dhaxeysa 1978 – 2001dii, waxaana uu noqonaya ra'iisal wasaarihii ugu xil heynta dheeraa dalkaas, waxaana da'diisa lagu sheegay 88 sano.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay kaalintii muhiimka ahayd ee marxuumku uu ka soo qaatay howlaha dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed iyo sida uu ugu qeyb qaatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun . Labada shacab ee Soomaaliya iyo Jabuuti waxaa ka baxay qof qiimo badan oo baal dahab ah ka galay sooyaalka labada dal. Waxaan la qeybsanaynaa walaalaheenna reer Jabuuti tiiraanyada, Allena waxaan uga baryaynaa marxuumka inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti inuu sabar iyo iimaan ka siiyo geerida marxuum Barkat Gourad Hamadou.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/20/2018 8:14 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) –Xaruntan oo loo dhisi doono dhalinyarta Jubbaland, islaamrakana noqon doonta madal ay dhalintu ku kulanto si ay uga qeybqaataan nabadda iyo hourmarka dalka ayaa waxaa si wadjir ah u dhagaxdhigay wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubbaland, wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska iyo masuuliyiin kale.

3/20/2018 6:30 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisoow oo saakay dib u furay waddada hor-marta Xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in dib loo furo dhammaan waddooyinka kale ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda.

3/20/2018 4:51 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Tukiga Rajep Deyib Erdogan ayaa ku goodiyay in ay ciidamadiisu isbalaarin ku sameyn doonaan goobaha kale ee jabhada Kurdishku ay kaga sugan tahay dalka Suuriya, kaddib markii ay ka sareen degmada Afrin.

3/20/2018 3:23 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL)–Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ay sheegeen in beesha Caalamku ay faraha kala baxaan arrimaha u gaarka ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

3/20/2018 2:31 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda uga qeyb galay Kulanka gaarka ah ee 18aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo unko hal suuq oo Afrika ay leedahay.

3/20/2018 2:22 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in dil lagu xukumo dadka daroogada ka ganacsada, arrintaas oo qayb ka ah qorshaha uu wax ooga qabanayo laqabatinka baaxadda leh ee dadka maraykanku ay ku adeegsadaan xannuun baabi'iyaha.

3/20/2018 2:07 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) –Wali mey saldhiggan oo waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo dhuulatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo horjeeda ee ku kala aragti duwan mooshinka laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

3/20/2018 1:18 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL)–Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culusoo fiidnimadii xalay ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab degmada Buurdhuubo ee gobolka.