3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 20, 2018
Madaxweynaha Turkiga oo u hanjabay Jabhada Kurdiyiinta

 

Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Tukiga Rajep Deyib Erdogan ayaa ku goodiyay in ay ciidamadiisu isbalaarin ku sameyn doonaan goobaha kale ee jabhada Kurdishku ay kaga sugan tahay dalka Suuriya, kaddib markii ay ka sareen degmada Afrin.

Wuxuu sheegay in ay ciidamadiisu bartilmaameed ka dhiganayaan magaalada Manbij iyo Ayn Carab oo sidoo kale loo yaqaan Kobani, iyo magaalooyinka kale oo ku teedsan xuduudka Turkiga ee bariga ka xiga wabiga Yufaretis.

Is-balaarin ay ciidamada Turkidu sameeyaan ayaa waxa ka dhalan kara colaad dhexmarta Turkiga iyo Mareykanka oo labaduba ka wada tirsan isbahaysiga NATO.

Magaalooyinka xuduudka ah ayaa waxaa maamula jabhada Kurdida Suuriya ee ay Mareykanku taageeraan, iyadoo ciidamao Mareykan ahna ay ku sugan yihiin Manbij.

Turkiga ayaa doonaya in Magaalooyinka ka agdhaw xuduuda ay wadaagaan Syria inuu ka sifeeyo dhamaan jabhadaha hubaysan ee dalka Syria ka dagaalama.

Ciidamada Turkiga oo wata dabaabaadka dagaalka ayaa ku sii qul-qulaya Magaalada Afrin oo shalay ay la wareegeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/20/2018 11:38 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay madaxda iyo shacabka Jabuuti geeridii ku timid, Alle ha u naxariistee, Barkat Gourad Hamadou oo maalintii shalay ku geeriyoodey dalka Faransiiska.

3/20/2018 8:14 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) –Xaruntan oo loo dhisi doono dhalinyarta Jubbaland, islaamrakana noqon doonta madal ay dhalintu ku kulanto si ay uga qeybqaataan nabadda iyo hourmarka dalka ayaa waxaa si wadjir ah u dhagaxdhigay wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubbaland, wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska iyo masuuliyiin kale.

3/20/2018 6:30 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisoow oo saakay dib u furay waddada hor-marta Xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in dib loo furo dhammaan waddooyinka kale ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda.

3/20/2018 3:23 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL)–Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ay sheegeen in beesha Caalamku ay faraha kala baxaan arrimaha u gaarka ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

3/20/2018 2:31 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda uga qeyb galay Kulanka gaarka ah ee 18aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo unko hal suuq oo Afrika ay leedahay.

3/20/2018 2:22 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in dil lagu xukumo dadka daroogada ka ganacsada, arrintaas oo qayb ka ah qorshaha uu wax ooga qabanayo laqabatinka baaxadda leh ee dadka maraykanku ay ku adeegsadaan xannuun baabi'iyaha.

3/20/2018 2:07 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) –Wali mey saldhiggan oo waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo dhuulatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo horjeeda ee ku kala aragti duwan mooshinka laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

3/20/2018 1:18 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL)–Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culusoo fiidnimadii xalay ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab degmada Buurdhuubo ee gobolka.