3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 20, 2018
Wasiir Cawad oo ka qeybgalay shirka golaha fulinta Ururka midowga Africa


Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda uga qeyb galay Kulanka gaarka ah ee 18aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo unko hal suuq oo Afrika ay leedahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka Wasiira arrima dibadeedka Afrika waxa uu ka sheegay qiimaha weyn ee ay ummadaha Afrika ugu fadhido inay ku midoobaan hal aragti oo horumar hiigsanaysa, si saboolnimada iyo colaadda u soo afjaranto, isagoo xusay in Soomaaliya oo ah dal dadkiisu ku firfircoonyihiin ganacsiga ay u tahay fursad weyn abuuridda suuqa Afrika.

Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa la filayaa intooda badan inay gaaraan Magaalada Kigali March 21, 2018 si ay daaha uga rogaan mashruuca taariikhiga ah ee Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta kulamo kala gaar gaar ah la kala yeeshay Dhiggiisa wadamada South Africa Ms. Lindiwe Sisulu, Djibouti Mr. Mahmoud Ali Youssouf, Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo danaha Soomaaliya kala dhexeeya wadamadaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/20/2018 11:38 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay madaxda iyo shacabka Jabuuti geeridii ku timid, Alle ha u naxariistee, Barkat Gourad Hamadou oo maalintii shalay ku geeriyoodey dalka Faransiiska.

3/20/2018 8:14 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) –Xaruntan oo loo dhisi doono dhalinyarta Jubbaland, islaamrakana noqon doonta madal ay dhalintu ku kulanto si ay uga qeybqaataan nabadda iyo hourmarka dalka ayaa waxaa si wadjir ah u dhagaxdhigay wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubbaland, wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska iyo masuuliyiin kale.

3/20/2018 6:30 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisoow oo saakay dib u furay waddada hor-marta Xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in dib loo furo dhammaan waddooyinka kale ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda.

3/20/2018 4:51 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Tukiga Rajep Deyib Erdogan ayaa ku goodiyay in ay ciidamadiisu isbalaarin ku sameyn doonaan goobaha kale ee jabhada Kurdishku ay kaga sugan tahay dalka Suuriya, kaddib markii ay ka sareen degmada Afrin.

3/20/2018 3:23 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL)–Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ay sheegeen in beesha Caalamku ay faraha kala baxaan arrimaha u gaarka ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

3/20/2018 2:22 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in dil lagu xukumo dadka daroogada ka ganacsada, arrintaas oo qayb ka ah qorshaha uu wax ooga qabanayo laqabatinka baaxadda leh ee dadka maraykanku ay ku adeegsadaan xannuun baabi'iyaha.

3/20/2018 2:07 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) –Wali mey saldhiggan oo waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo dhuulatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo horjeeda ee ku kala aragti duwan mooshinka laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

3/20/2018 1:18 AM EST
Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL)–Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culusoo fiidnimadii xalay ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab degmada Buurdhuubo ee gobolka.