4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 20, 2018
Trump oo dalbaday in dil lagu xukumo dadka darooga ka ganacsada

 

Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in dil lagu xukumo dadka daroogada ka ganacsada, arrintaas oo qayb ka ah qorshaha uu wax ooga qabanayo laqabatinka baaxadda leh ee dadka maraykanku ay ku adeegsadaan xannuun baabi'iyaha.

Qorshahan ayuu hoosta ka xariiqay mar uu khudbad ka jeedinayay New Hampshire, gobolkaas oo ah mid ay aad u saamaysay arrintaas.

Trump ayaa sheegay in maamulkiisu uu rabo in sharciga la badalo si dil loogu xukumo dadka daroogada ka ganacsada, laakiin arrintaas wuxuu kala kulmi doonaa culays dhanka siyaasadda ah iyo mid dhanka sharciyadda ah.

Daroogadan waxaa ka mid ah nooc xannuun baabi'iye loo adeegsado oo dhakhaatiirtu ay bukaanka u qoraan.

2.4 oo ruux oo Maraykan ah ayaa la rumaysan yahay in ay la qabatimeen daroogo, mashaakilkaas ayaana sababay in ay u dhintaan 63,600 oo Maraykanka oo dhan ku kala noolaa sannadkii 2016, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Trump ayaa loo sacabotumay Isniintii markii uu deegaanka Manchester ee New Hampshire ka yiri "haddii aynaan gacan bir ah ku qabanin dadka daroogada ka ganacsada wakhtiga unbaan iska luminaynaa, gacantaas birta ahna waxaa ka mid ah in dil toogasho ah lagu xukumo.

Trump ayaa horray u tilmaamay in dadka daroogada ka ganacsada loo adeegsado ciqaabta "ugu adag" wuxuuna hadalkaas ka jeediyay isu soo bax ka dhacay Pennsylvania isla bishan.

Xigashada Warkan BBC