4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 20, 2018
Wararkii ugu danbeeyay dagaal xalay ka dhacay degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo

 

Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culusoo fiidnimadii xalay ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab degmada Buurdhuubo ee gobolka.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kaddib markii xoogaga ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen mid ka mid ah fariisimaha ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

Xassan Maxamed Cali guddoomiyaha degmada Buurdhuubo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka in uusan aheyn mid culus, aysana jirin khasaare ka dhashay oo dhankooda ah.

“Maqribnimadii xalay waxaa ay rasaas ku soo rideen mid ka mid ah Saldhigyada ciidan ee ku yaalla banaanka Magaalada, kaddib ciidamada ayaa u jawaabay oo iska difaacay, anaga dhankeena wax khasaare nama soo gaarin” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Al-shabaab oo dhincooda ka hadlay weerarka waxaa ay sheegeen in dagaal xoogan ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku lahaayeen degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, islamarkaana khasaare kala duwan gaarsiiyeen ciidamadii halkaa ku sugnaa.

Waxaa saakay xaalad deganaansho ah laga dareemayaa goobihii uu dagaalka ka dhacay, iidamada dowladda ayaa baaritaano ka wada guud ahaan gobolka Gedo gaar ahaan degmada Buurdhuubo.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah deegaannada ay ku xooggan yihiin Al-shabaab, waxaana inta badan ka dhaca weeraro lagu beegsado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]