4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 2 , 2018
Garooon diyaaradeed oo laga hergaliyay degmada Jalalaqsi

 

Jimco. Maarso, 02, 2018 (HOL)-Garoonkii ugu horeyay oo ay dhisteen maamulka iyo dadka ku nool degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan  oo gacan ka helaayo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa dalka  Jabuuti ayaa laga hergaliyay degmada.

Dhismaha garoonka diyaaradaha  ayaa yimid kadib markii xoogaga Al-shabaab ay godoomiyeen dagmada Jalalaqsi waxaana intaa kadib ay bilaabeen dadka degaanka iyo maamulka   oo gacan ka helaayo ciidamada Jabuuti oo ka howlgalo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan .

Diyaaradan oo aheyd diyaaradaha qaada rakaab tiradooda ay gaareyso ilaa 50 ayaa waxay ka duushay garoonka diyaradaha magalada Muqdisho, waxaana halkaas ay geysay rakaabkii ugu horeyay oo shacab ah kuwaas oo dhinaca ka dega degmada Jalalaqsi.

Qaar ka mid ah rakaabkii saarnaa diyaaradii tagtay degmada Jalalaqsi ayaa siweyn uso dhaweyay dulimaadka cusub ee ka bilaawday degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Cumar Cabdi  Maxamed oo ka mid ah rakaabkii maanta lagu bilaabay dulimaadka cusub ee ka bilaawday Jalalaqsi  ayaa shegeay  in uu in muda ah ka maqnaa dagmadiisa  balse uu maanta dib ugu so laabtay  cumar ayaa intaa raaciyay in ay farxad u tahay shacabka ku nool Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.


Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidoow oo goob-joog ka ahaa dulimaadkii ugu horeyay ee ka bilaawday garoonka diyaradaha Jalalaqsi ayaa shegay in ay ka baxday godoonkii sarnaa mudo ka badan 3 sano.

Dulimaadkan cusub ee ka bilaawday degmada Jalalaqsi waxaa uu dhiiri-gilinayaa shacabka iyo hayada samafalka oo horay dhib ugu qabay tagista magalada  Jalalaqsi  oo aheyd mid ay go doomiyeen Xarakada Al-shabaab oo sanado kahor laga saaray degmada’’ayuu yiri gudoomiye Fiidoow,

Jalalaqsi waa magaalo ay xiran yahiin wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxo degmadaasi waxaana tani sahleysa in gar gaar la gaarsiiyo shacabka ku nool degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]