4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 2 , 2018
Faah faahin ku saabsan weerar Al-shabaab ay ku qaadeen degmada Balcad

 

Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Al-shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Balcad.

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya degmada ayaa sheegaya in kor inta aysan gudaha u soo galin Al-shabaab degmada ay dagaalyahanno ka tiran Al-shabaab ay weerarreen kolonyo gaadiid ah oo marayay duleedka degmada Balcad iyadoo la gubay qaar ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada AMISOM.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka dhex maraya Al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM hasse ahaatee waxaa la geeyay deegaanka Qalimow qaar ka mid ah ciidamada AMISOM oo dhaawac ah.

Al-shabaabka ayaa la wareegay xaafado ka mid ah degmada Balcad ayaa lagu waramayaa ay qaateen wixii yiiley xarunta maamulka degmada Balcad iyagoo xabsiga ka sii daayay maxaabiis ku xirneyd.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabellaha Dhexe iyo kan dowlad goboleedka Hirshabelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]