4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 2 , 2018
Weerar ismiidamin oo goor dhaw ka dhacay degmada Afgooye

 

Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL) – Wararka xiligan naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari uu ka dhacay xarun ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaas.

Dad ku sugan degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa gaariga fuliyay uu ahaa nooca loo yaqaano NOAH oo beegsaday xarunta ciidanka.

Ciidamada ku sugnaa xerada ayaa ahaa ciidamo uu tababaray Imaaraadka Carabta oo saldhig ku lahaa degmada Afgooye.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxa kaddib la maqlay rasaas culus, iyadoo uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guud ahaa marka la eego xaalada degmada ayaa kacsan, iyadoo cabsi ay soo wajahday dadka deegaanka, waxaa istaagay isu socodkii ganacsiga iyo dadka, inkastoo maalin jimco ay tahay oo inta badan isu socodka uu yar yahay.

Wararkan wixii ka soo kordha kala socon Hiiraan Online

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]