4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 2 , 2018
Al-shabaab oo la wareegay qeybo ka mid ah degmada Balcad

 

Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahano ka mid ah ururka Al-Shabaab ay weerareen degmada Balcad oo 37km dhinaca Waqooyi ka xiga caasimada dalka ee Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in Xaafado ka mid ah degmada Balcad la wareegeen ururka Al-Shabaab iyadoo rasaas laga maqlayo qeybo ka mid ah magaalada Balcad.

Xarumaha ay la wareegeen kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka mid ah sida sheegeen dad ku sugan magaalada Balcad Saldhigga Booliska iyo Xarunta degmada.

Qeybo ka mid ah degmada ayaa laga maqlayaa rasaas saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Balcad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dad rayid ah ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen degmadaas.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]