4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 2 , 2018
Dowladda Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaamtay heshiiskii dekedda Berbera

 

Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa arrin sharci darro ah ku tilmaamtay heshiiskii dekedda Berbera,kaddib bayaan ka soo baxay wasaaaradda Gaadiidka iyo Dekeddaha.

Wasaaradda Gadiidka iyo Dekeddaha Badda dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskan uu noqonayo mid lagu wiiqayo midnimada iyo wada jirka Ummadda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasaaraddu waxa ay hoosta ka xariiqday in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn heshiiskan loona maray habraac aan waafaqsanayn Dastuurka.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]