Al-shabaab oo weeraray labo saldhig ciidan degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya
Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL) - Shan Askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa
lagu dilay saddex kalana waxaa ka soo gaaray dhaawacyo halis ah, kaddib markii
Al-shabaab ay weerareen Labo Saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka lagu
magacaabo Fino oo ka tirsan degmada Mandera.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Lafey Eric Oronyi in
weerarkan oo dhacay 1am lagu bartilmaameedsaday Labo saldhig ciidan iyo xarunta
maamulka Booliiska ee deegaanka Fino.
Waxaa uu sheegay in xoogagga weerarka soo qaaday
tiradoodu u dhaxeysa 70 ilaa 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaa oo
markii danbe dib uga laabtay deegaanka.
Xoogagga weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in markii
hore ay bartilmaameedsadeen xarunta Isgaarsiinta degmada Lafey si ay u wax
yeeleeyaan xiriir dhaxmara ciidamadooda dhaxdooda.
Weerarkan ayaa qeyb ka noqonaya weeraro is daba joog ah
oo marar badan oo hore sidan oo kale Al-shabaab ku bartilmaameedsadeen xarumaha
ciidamada Kenya ku leeyihiin gobolka Waqooyi Bari Kenya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]