4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 2 , 2018
Kulanka Guddiga Amniga Gobolka Banaadir oo qodobo laga soo saaray

 

Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL) - Shirka Guddiga Amniga Gobolka Benaadir oo guddoominayey Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo ay ka qeyb galeen guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda  Maxamed C/laahi Maxamed, taliyeyaasha qeybta gobolka ee ciidamada Millatariga, Booliska, Nabad-sugidda iyo Asluubta ayaa waxaa looga wada hadlay afar qodob oo mudnaan u leh ammaanka Caasimadda.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu falan-qeeyay hab dhinac waliba leh ee wax looga qaban karo xaaladda amniga caasimadda, kaas oo aad muhiim u ah, maadaama la diyaariyey ciidamo isku dhafan oo ka shaqeeya sugidda amniga iyo sidii looga hortagi lahaa weerarada Shabaab ay geystaan.

Guddoomiye Yariisoow oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday halka uu marayo qorshaha wadajirka ah ee wax looga qabanayo caqabadaha dhinaca ammaanka, iyada oo la kaashanayo qeybaha ciidamadda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii guul mirro dhal ah looga gaari lahaa xasillinta caasimadda.

“Xasillinta amniga caasimaddu ma ahan arrin hal maalin oo qura laga shaqeeyo, waa in aad si joogto ah uga ka qeyb-qaadataan, adinkoo la imaanaya wax-qabad kaashanayana shacabka, si aan uga guuleysano argagixisada mar walba dhibaatada u geysanaya nafta iyo maalka shacabkeena, waana in aad qaadataan mas'uuliyad naga wada saaran arrintan”ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa kula dar-daarmay saraakiisha kulanka ka qeyb galay in la dardargeliyo amniga caasimadda, si looga hortago qorshe-yaasha ay maleegayaan Shabaab.

Kulanka ayaa waxaa intii uu socday diiradda lagu saaray, dhacadadii degmada Warta Nabadda oo koox burcad ay boob iyo dil u geysteen ganacsato Soomaaliyeed iyo nin Bajaajle ah oo lagu dilay degmada Hodan, iyadoo dhammaan gacanta lagu soo dhigay dadkii ka danbeeyey falalkaas oo hadda ku xiran CID sharcigana la horgeyn doono, waxaana hoosta laga xariiqay in aan la aqbalayn shaarka dawladda in lagu dhibaateeyo shacabka.

Kulanka ayaa ugu danbeyntii lagu lafa-guray qaabka ugu habboon ee ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed ee aan ka tirsanayn Guutada 12 abriil looga saari lahaa magaalada, dibna loogu celin lahaa xeryahooda, si loo adkeeyo dhaq-dhaqaaqa amniga Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]