4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 2 , 2018
Saraakiisha dowladda oo sheeegay in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

 

Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL) - Saraakiisha ciidamada xoogga dalka sheegeen in ay howlgal qorsheysan ku dileen ku dileen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab, kaddib howlgal ka dhacay Tuulooyin hoos-yimaada Gobolka Gado.

Howlgalkan ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay tuulooyinka kala ah Caanoole, Barroow Diinle, Daahir Malin iyo Cali Xareed, waxaana saraakiishu sheegeen in tuulada Caanoole lagu dilay laba sarkaal iyo dagaalyahano tiradooda ay ka badan tahay Labaatan.

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jen Cismaaciil Saxardiid oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid xooggan islamarkaasna ay si wada jir ah ay iskaga kaashadeen ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo Mareynkan ah, wuxuu sidoo kale sheegay labada sarkaal ee la dilay in lagu kala magacaabi jiray Mahad Cabdi Kariin iyo Cabdulaahi Macalin Geeddow.

Wuxuu kaloo sheegay in Mahad C/kariin in uu ahaa sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Caanoole, halka C/laahi Macalin Geeddow uu ahaa sarkaalka Shabaab ee degaanka Barrow Diinle.

General Saxardiid waxaa uu tilmaamay in tuuloyinka kala ah Caanoole, Barroow diinle, Daahir Malin iyo Cali Xareed ay markii hore joogeen Al-shabaab balse hada ay soo gashay gacanta ciidamada dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]