4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 2 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo maanta shir uga qeyb galaya Kampala

 

Jimco, Maarso, 02, 2018 (HOL) - Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda maanta oo Jimco ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 2-bisha March 2018, waxaa ka furmaya shir fursad u siinaya in laga xaajooda Xaaladda haatan ka taagan Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Uganda ayaa sheegtay in Shirka ay isugu imaanaya madaxda dowladaha ay ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan ciidamada midowga Africa ee AMISOM, waxaana shirkan guddoomin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, Tayeynta ciidamada Soomaaliya iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay galab u ambabaxay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa Soomaaliya ku metelaya shirkan.

Madaxda dalalka ciidamdu ay ka joogaan Soomaaliya, xubnaha joogtada ah ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, Madax ka socota beesha caalamka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa ka qeyb gelaya shirkan, iyadoona madaxweyne Farmaajo uu hor dhigo doono qorshe Soomaaliyeed oo ku qotoma ammaanka iyo dib u dhiska ciidamada.

Madaxweynaha oo maalmihii u dambeeyey kormeer ku tagay xarumaha gaashaandhigga, Nabad Sugidda iyo booliska ayaa kala hadli doona beesha caalamka in ay kala shaqeeyaan hir-gelinta istaraatiijiyaddan, maadama ay ka tarjumeyso rabitaanka dhabta ah ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxa jiri doona shirar-doceedyo uu Madaxweyne Farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, iyadoona uu kala hadli doono sidii ay u dardar gelin lahaayeen taageerada ay ku siiyaan DFS dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]