4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 19, 2018
Maamulka Hirshabeelle oo beeniyay in Wiil 16 Sano jir ah xil u magacaabeen

 

Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL) - Feysal Cabdullaahi Cumar oo 16 sano jir ku dhaqan degmada Jowhar ayaa iska diidey sida uu hadalka u dhigay xilka guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada degmada Gambole ee gobolka Shabeellaha dhexe oo sida uu hadalka u dhigay uu u magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle.

Laakiin Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Wiilkan dhalinyarada ah, isaga oo beeniyay in Ilmo Yar sida uu hadalka u dhigey oo 16 sano ah uu xil u magacaabay.

Wuxuu sheegay in laga yaabo in wiilkan yar uu warka si qalad ah ku gaaray ama uu jiro qof ay isku magac yihiin oo xil loo magacaabay, isaga oo meesha saaray in marnaba Wasiiradiisu xil u magacaawday wiilkan la hadlay warbaahinta.

''Annaga qofka aan magacaawnay waa qof weyn oo mas'uul ah, maanta Soomaaliya xilka oo ah mid la wada raadinayo oo beellaha oo dhan isku wada heystaa in aan u magacaawno wiil 16 sano jir ah oo ardey ah, waad garan gartaa in aysan suurtagal aheyn'' ayuu yiri Wasiirka.

Feysal ayaa sheegay in markii hore waalidkii lagu war-galiyay in uu Siminaar ka qeybgalo, laakiin taa badalkeeda uu ka war helay oo kaliya magacaabistiisa.

Wasiirku ma uusan soo bandhigin magaca iyo da’da qofka ay u magacaabeen guddoomiye ku-xigeenka degmada Gambole oo ah xilka uu ku doodayo Feysal in loo magacaabay.

Feysal Cabdullaahi Cumar ayaa ah Ardey dhigtay fasalka 4aad ee Dugsiga Sare Sheekh Xassan Barsane ee magaalada Jowhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]