4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 19, 2018
Maleeyshiyaadka tirsan Shabaab oo weeraray saldhig ku yaal duleedka Buurdhuubo
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Caawa abaare salaaddii maqri kadib ayay maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab weerar qorsheeysan ku qaadeen saldhig ay ciidamada Jubbaland ku lahaayeen duleedka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Gudoomiyaha degmada Buurdhuubo Xasan Muxumed Cali (Xasan Yare) oo qadka teleefonka ugu waramay shabakadda HOL ayaa sheegay in maleeyshiyaad ka tirsan Shabaab ay weerar kusoo qaadeen, isagoo xusay in ciidamadooda ay iska difaaceen weerarkaasi.

“Adeer Maleeyshiyaad yar ayay ahaayeen oo doonayay in ay arbushaad ka sameeyaan magaalada, rasaas iyo madaafiic ayay soo tuureen, kadibna ciidamada ayaa ku baxay oo dib u riixay,” ayuu yiri gudoomiyaha.

Waxa uu intaa ku daray in aysan jirin wax khasaare ah oo dhankooda kasoo gaaray weerarka, isagoo xusay in ciidamadu ay ku suganyihiin goobihii uu weerarku ka dhacay.

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in guud ahaan gobolka uu ka socdo qorshe la doonayo in Maleeyshiyaadka Al-shabaab looga xoreeyo gobolkaasi, islamarkaana lagu soo celiyo isu socodkii degmooyinka gobolka oo haatan qaar badan oo kamid ah ay adagtahay in masuuliyiin ay u kala safraan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.