4/11/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 19, 2018
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xalay la kulmay madaxweyne Farmaajo


 

Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cimaan Jawaari ayaa xalay kulan gaar ah la qaatey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen  Khilaafka ka dhashay Mooshinka iyo sidii loo wajihi lahaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Beenebeene oo ka tirsan Golaha Shacabka kana mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee sida weyn ugu dhaw dhaw guddoomiyaha ayaa VOA u sheegay in guddoomiye Jawaari uu kala hadlay madaxweynaha qodobo dhowr ah, gaar ahaan in sida xeer hoosaadka Baarlamaanku qabo muddo 10 cisho ah lagu meel-mariyo codeynta mooshinka ka dhanka ah oo ka bilaabaneysa 14kii bishan oo ay xildhibaannadu gudbiyeen Mooshinka.

Sidoo kale guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kala hadlay madaxweynaha in codeynta Mooshinka lagu qabto meel amaan ah oo ka baxsan xarunta Golaha Shacabka, iyadoo ay goob joog yihiin, Guddiga ka socda xildhibaannada Aqalka Sare, Ururrada bulshada rayidka ah iyo beesha Caalamka intaba.

Guddoomiyaha Baarlamaank Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa hadda u muuqda mid ku ad-adag in cod la galiyo Mooshinka ka dhanka ah isaga oo meesha ka saaray in uu xilka iska casilayo.

Xildhibaan Beenebeene ayaa sheegey in kulanka guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynaha leysku afgartay.

In xilka laga qaado Prof Jawaari ayaa u baahan in loo helo codad gaaraya 184 xildhibaan oo ah arin aad u adag marka la eego tirade guud ee Baarlamaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/19/2018 3:22 PM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL) - Feysal Cabdullaahi Cumar oo 16 sano jir ku dhaqan degmada Jowhar ayaa iska diidey sida uu hadalka u dhigay xilka guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada degmada Gambole ee gobolka Shabeellaha dhexe oo sida uu hadalka u dhigay uu u magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle.

3/19/2018 2:15 PM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Caawa abaare salaaddii maqri kadib ayay maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab weerar qorsheeysan ku qaadeen saldhig ay ciidamada Jubbaland ku lahaayeen duleedka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

3/19/2018 10:20 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)–Inta la og-yahay Labo Ruux oo ka mid ahaa 16 shaqaale ayaa ku dhaawacmay Doon maanta ku gubatay meel u dhow Dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

3/19/2018 9:50 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)–Weftigii uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta dalka dib ugu soo noqday ka dib markii muddo ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta.

3/19/2018 9:43 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)- Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan ku yeeshay xildhibaannada saxiixay mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

3/19/2018 5:15 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Jaaliyadda Gobolka Gedo ee magaladda Columbus Ohio ayaa maanta taageero u muujiyay wada hadalada dhinacyada Mandheera iyo Beledxaawo oo dhawaanahan ay xiisado xaduud kala xirashaa u dhaxaysay waxayna wada hadalada xiligan ah ku tilmaameen kuwo lagama maarmaan u ah bulshada labada dhan.

3/19/2018 5:02 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in Doon sida shixnad ganacsi ay ku gubaneyso agagaarka Dekeda.

3/19/2018 2:40 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Gobolka Sanaag wararka ka imanaya ayaa sheegaya in heshiis buuxa laga gaaray colaad muddo dheer u dhaxeysa labo beellood.

3/19/2018 1:55 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Madaxwayne Vladimir Putin ayaa 6 sano oo kale xafiiska sii hayn doona ka dib markii uu si wayn ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

3/19/2018 1:43 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay Dab khasaare xoogan geystay oo ka kacey guri ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kaa oo sababay geerida Hooyo Soomaaliyeed iyo 5 Carruur ah oo ay dhashay.