Wasiir Khadiija : Wali mooshinka waa sharci waxaana loo gudbinayaa Golaha Baarlamaanka
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)–Magaalada Muqdisho waxaa
maanta kulan ku yeeshey xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiyaha Golaha
Shacabka, waxaana kulankaa qeyb ka ahaa Wasiiro ka tirsan xukuumadda uu
hogaamiyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.
Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo
Cayaaraha oo kulanka hadal ka jeedisay ayaa siweyn u weerartay guddoomiyaha
baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari, waxaana ay sheegtay in wali mooshinka
sharci yahay oo aan laga laaban.
‘’Mooshinkaasi waa gudbay, waa sharci, waxaan leeyahay
halagu kalsoonaado, in Jawari uu sheego in mooshinka sharci ahaan uu buray waa
nasiib darro, waxey wax u dhimeysaa aqoontiisa, waxey wax u dhimeysaa
Diintiisa, waxey wax u dhimeysaa karaamdiisa’’ ayeey khudbadeeda ku sheegtay
Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wasiirka ayaa sheegtey in mar haddii mooshinka la qabto
kaddib cidna ka noqon karin ilaa la geeyo golaha Baarlamaanka lagana doodo.
“184 haddii uu mooshinkaas gaari waayo Jawaari waa gudoomiyaha Golaha
Shacabka,laakiin hadii uu gaaro waa wax cad,waxana idin sheegayaa in mudo 15
cisho ah gudahood ay ku soo dooran doonaan Gudoomiye Baarlamaan ‘’ ayeey tiri
xildhibaan Khadiijo Maxamed diiriye”
Hadalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sii xoojinaya tuhunka la qabo oo ah
mooshinka ay gadaal ka riixayaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]