4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 17, 2018
Beesha Caalamka oo War ka soo saaray khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda

 

Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) – War ka soo baxay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Talyaaniga, Mareykanka, Ingiriiska, Sweden iyo Itoobiya waxay walaac xooggan kaga muujiyeen xiisada siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Soomaaliya.

Xubnahan Beesha Caalamka ayaa waxaa ay ugu baaqeen Madaxda dowladda inay dhowraan shuruucda dalka, isla markaana ka shaqeeyaan xasilooni siyaasadeed, iyagoo la faray in wax walba ay ku xaliyaan Dastuurka.

Sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen Hey’addaha Fulinta iyo Sharci dejinta in aysan u horseedin is qab qabsigooda fowdo iyo kala dambeyn la’aan uu dalka galo.

Walaaca Beesha caalamka ayaa yimid, kaddib markii magaalada Muqdisho ay gashay xaalado siyaasadeed oo ka dhashay khilaafka soo kala dhex galay Baarlamaanka iyo Xukuumadda, taasoo ka dhalatay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]