4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 17, 2018
Faah faahin ku saabsan dagaal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan

 

Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) – Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta 52aad Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in meydadka Al-Shabaab la keenay degmada Maxaas, islamarkaana ay dhawaan u soo bandhigi doonaan warbaahinta.

Wuxuu xusay in marka hore dagaalka uu ka bilaawday Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo u badnaa xoolo dhaqato, laakiin markii danbe ay ku biireen ciidamada dowladda oo gacan siinayay dadka deegaanka.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan, maadaama uu socday muddo saacado ah la iskuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]