4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 16, 2018
Guddoomiye Jawaari : Ciidamo ka amar qaata Ra’iisal wasaaraha ayaa la wareegay xarunta Golaha Shacabka

 

Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) –  Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhaw shir jaar’id qabtay ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaata  ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre uu xoog kula wareegeen xaruntii Golaha Shacabka.

Prof Jawaari ayaa sheegay in arintan aysan aheyn oo kaliya in xilka leyga qaado laakiin sida uu hadalka u dhigay la doonayo in lagu fool xumeeyo Golaha Shacabka oo ah sida uu hadalka u dhigay saldhiga dowladnimada.

‘’Waxaan arkeynaa in laantii fulinta weerar ku soo qaaday Golaha Shacabka oo Mooshinkanna gadaal ka riixeysa, waxaana la doonayaa in lagu qiimo tiro heybada Baarlamaanka oo ah golaha sharci dajinta ’’ ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay asalka xasarada taagan ayuu sheegay in ay jiraan arrimo laga dalbaday in uu saxiixo oo dhibaato ku ahaa amaannada Golaha Shacabka, taasoo keentey ayuu yiri in mooshin leyga keeno.

‘’Waxaa jira arrimo leyga dalbaday in aan saxiixo oo aan diiday oo ka hor imaanayay amaannada naloo dhiibtay, waana tan keentey in Mooshin la soo abaabulo ayuu yiri’’ Prof Jawaari.

Ugu danbeyntii guddoomiyaha ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara ciidamada la duldhigey golaha Shacabka, isaga oo sheegay in wixii dhibaato ah ee halkaa ka dhaca uu mas’uuliyadeeda qaadayo ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]