Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Inta la xaqiijinayo 7 ruux
oo dhinacyadii dagaaalamay ka kala tirsan ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku
dhaawacmeen, kadib markii uu dagaal ku dhex maray qeybo ka mid ah gobolka
Hiiraan Al-Shabaab iyo dad xoolo dhaqto u badnaa.
Dadka deegaanka oo ka soo horjeeda in laga qaado xoolo ay Shabaab ku sheegeen
Zako ayaa kula dagaalamay Al-shabaab degaanno lagu magacaabo Muuse Geel,
Bulacle iyo Iibi Butaale oo kala hoostaga degmooyinka Maxaas iyo Buula-burte.
Daahir Muuse Cosoble oo ah horjoogaha maleeshiyaadka
dadka xoolaha dhaqatada ah ayaa sheegay in Al-shabaab ay soo warareen
subaxnimadii hore ee saakay dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa deegaannada lagu
diriray,
Daahir ayaa intaa ku daray in dagaalka uu labo waji
lahaa, taasoo keentay in uu sababo wax yeello balaaran oo soo kala gaartay
dhinacyada dagaalamay.
Maleeshiyaadkan deegaanka ayaa lagu magacaabaa ‘’Macwiisleey’’
iyaga oo marar badan oo hore dagaallo kala duwan la galay dagaalamayaasha Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]