9/28/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 16, 2018
Xildhibaanno dood kulul ka yeeshay mooshinkii laga keenay guddoomiye Jawaari

 

Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta kulan ku yeeshey xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka iyo guddiga joogtada baarlamaanka oo su’aalo laga weydiinayay sida ay ku buriyeen mooshinkii laga keenay guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa hadalo ka jeediyay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo mid walba oo ka mid ah cabiray aragtidiisa Mooshinka, hasse ahaatee mar marka qaar kulanka ayaa isku badalayay sawaxan iyo qeylo iyo xildhibaannada qaarkood faraha isku taag-taagaan.

Xildhibaannada ayaa wali u muuqda kuwa siweyn ugu kala aragti duwan mooshinka oo ah mid xitaa ay ku kala qeybsameen guddoonka sare ee Golaha Shacabka.

Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa sheegay in guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Sheekh Muudeey oo ay wax ka weydiiyeen in uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyeen uu sheegay in kaliya in 91 xildhibaan uu hayo oo ku saxiixan mooshinkan 16 ka kalana ay ka laabteen.

Waxa ay sheegeen in arrintaasi darteed ay u buriyeen Mooshinka, maadaama uusan sharci aheyn, balse waxaa ay tilmaameen in ay qalad aheyd in guddoomiye Muudey uu warbaahinta la hadlo, isaga oo sharci ku tilmaamaya mooshinka.

Sabtida maalinta Beri ah ayaa loo balansan yahay in xildhibaannadu shirkoodii caadiga ahaa ku yeesheen xarunta golaha shacabka, lamana oga sida uu xaalku noqon doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/16/2018 1:33 PM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhaw shir jaar’id qabtay ayaa sheegay in Ciidamo ka amar qaata ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre uu xoog kula wareegeen xaruntii Golaha Shacabka.

3/16/2018 12:28 PM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw la wareegey xarunta Golaha Shacabka sida uu Hiiraan Online u sheegay goor dhaw Xog-hayaha guud ee baarlamaanka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

3/16/2018 11:11 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Inta la xaqiijinayo 7 ruux oo dhinacyadii dagaaalamay ka kala tirsan ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii uu dagaal ku dhex maray qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan Al-Shabaab iyo dad xoolo dhaqto u badnaa.

3/16/2018 10:51 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Ciidamada dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Hub, Walxaha qarxa iyo qaar ka mid ah Raggii watay oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

3/16/2018 7:39 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa ku goodiday in ay samaysan doonto hub nukliyeer ah haddii Iiraan oo ay gobolka isku hayaan ay samaysato hubkaas.

3/16/2018 5:19 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Qiimeyn ay sameysay hay’adda Qaramada Midoobey ee International Happiness ayaa lagu sheegay in Soomaaliya kaalinta Lixaad uga jirto guud ahaan Qarada Africa wadamada dadkeedu ugu farxada badan yihiin, halka dunida oo dhanna Soomaaliya ay kaga jirto kaalida 98aad.

3/16/2018 3:00 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Rwanda ayaa ka mamnuucday Maasjida caasimada Kigali codbaahiyaha xiliga Salaada guud ahaan Maasjida caasimada, iyaga oo arintaan ku micneeyay in ay dhibaato ku tahay dadka deegaanka.

3/16/2018 2:12 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa xalay waqti dambe kormeer amni ku tagay degmada Hilliwaa ee gobolka Banaadir.

3/16/2018 2:02 AM EST
Jimco, Maarso 16, 2018 (HOL) – Dowladda Qatar ayaa khamiistii warqad cabasho ah u gudbisay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, taa oo ay uga cabanayeen in dalka isu tagga imaaraadka Carabta uu ku xad gudbay hawadooda.

3/16/2018 1:56 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Sida lagu daabacay Wakaalada Wararka Reuters dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in ay tababar siiso ciidamada Somaliland, arintan oo qeyb ka ah sida uu sheegay madaxweyne Muuse Biixi heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka sameynayo Berbera.

3/16/2018 1:40 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Warar ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo aan la garaneynin Bamgacmeed ku weerareen ciidamo ka tirsanaa ilaalada Dekedda.