4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 16, 2018
Kigali oo laga mamnuucay codbaahiyaha Masaajida xiliga Salaada

 

Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Rwanda ayaa ka mamnuucday Maasjida caasimada Kigali codbaahiyaha xiliga Salaada guud ahaan Maasjida caasimada, iyaga oo arintaan ku micneeyay in ay dhibaato ku tahay dadka deegaanka.

Dowladda ayaa sheegtay in Aadaanka Shanta Jeer ee Salaada ay dhibaato ku tahay dadka deegaanka Nyarugenge oo ay ku yaala Masaajida ugu waaweyn ee dalkaasi Rwanda.

Laakiin waxaa arintan ku gacan seyray guddiga mas’uulimiinta dalkaas oo sheegay in ay ka wanaagsanaan laheyd in dowladdau amar ku bixiso in la gaabiyo ama hoos loo dhigo oo kaliya codka Aadanka Salaada.

Dowladda ayaa sidoo kale 1, 500 oo Kaniisadood albaabada isugu dhufatay iyadoo ku eedeysay in aysan waafaqsaneyn xeerka dhismooyinka.

Dadka Muslimka ah ayaa lagu sheegaa in 5% yihiin guud ahaan bulshada ku dhaqan dalka Rwanda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]