4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 16, 2018
Qatar oo Qaramada Midoobay u gudbisay Cabasho ka dhan ah Imaaraadka

Jimco, Maarso 16, 2018 (HOL) – Dowladda Qatar ayaa khamiistii warqad cabasho ah u gudbisay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, taa oo ay uga cabanayeen in dalka isu tagga imaaraadka Carabta uu ku xad gudbay hawadooda.

Wakiilka joogtada ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Qatar Caaliya Axmed Bin Sayf Al-taani ayaa sheegay in diyaarad military oo siday xamuul ay 04-ta Bishan Maarso ay kusoo xad gudubtay hawadooda, sida lagu baahiyay wakaaladda wararka dalkaasi.

Warqaddan oo si toos ah ugu socotay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters ayaa lagu qeexay in Imaaraadka ku xadgudbay shuruucda caalamiga ah, waxaana ay ka digeen in isku dayada noocan oo kale ah ay abuuri karaan xaalado xasilooni darro oo ka dhaca gobolka.

Golaha ammaanka ayay ka codsadeen in ay qaadaan tallaabo kasta oo looga hortagi karo wixii carqalad ku keenaya nabadda iyo xasiloonida caalamka.

Dowladda Qatar ayaa hore afar mar cabasho ku aadan in  dalka isu tagga Imaaraadka Carabtu ku xadgudbay hawadooda u gudbisay Qaramada Midoobay.

Sanaddii aynu kasoo gudubnay ayay ahayd markii dowladaha isu tagga Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Masar iyo Sucuudiga ay xiriirkii Diplumaasiyadeed iyo ganacsiba u jareen Qatar, ayagoo ku eedeeyay xukuumadda Dooxa in ay taageerto Argagixisada.

Balse Qatar ayaa dafirtay eedeeymahaasi, ayadoo ku tilmaamtay cunaqabateynta la dul dhigay mid xad gudub ku ah madax banaanideeda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.