4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 16, 2018
Bamgacmeed xalay lagu weeraray ciidamo ku sugnaa dekedda Boosaaso

 

Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Warar ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo aan la garaneynin Bamgacmeed ku weerareen ciidamo ka tirsanaa ilaalada Dekedda.

Inta la xaqiijiyay Hal Askari iyo qof shacab ah ayaa geeryooday weerarka Bambaanno, waxaa kaloo dhaawac uu soo gaaray Saddex qof shacab ah.

Marka laga soo tago weerarka xalay ka dhacay degmada, dhinaca kale maalintii shalay ayeey aheyd markii bartamaha magaalada lagu toogtay ilaa Saddex qof oo  mid ka mid ah uu aha Askari , mas’uuliyadda dilkaasi waxaa sheegtay xoogaga Ururka Al-shabaab.

Hay’adaha ammaanka Puntland gaar ahaan kuwa ka howlgala magaalada Boosaaso ayaa u muuqda kuwo gabay shaqadooda, maadaama maalin cad koox hubeysan ay dil ka geysanayaan magaalada, kadibna baxsanayaan.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa maalmahan ah mid faraha ka sii baxaya, kaddib markii ay kordheen dilalka Qorsheysan ee ay geysanayeen ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]